DHAGEYSO:-Guutada 14 October oo lagu wareejiyay amniga Muqdisho

0

Kadib kulan xasaasi oo ay shalay Golaha Wasiirada XFS ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu meel mariyay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.

Qorshahan cusub ayaa la sheegay in lagu howlgalin doono Ciidanada Guutada 14 October oo sugi doono amniga Caasimadda, islamarkaana ka amar qaadan doona taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku war-geliyay Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda Ciidamaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay muhiimada qorshahaasi.