Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo howlagllo ka sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa laga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaana la sheegay in lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo qaarkood Ciidamada ay sii daayeen, kadib markii lagu sameeyay baaritaano dheeraad ah.

Howlgallada ayaa xoogoodu xalay laga sameeyay degmada Howladaag ee gobolka Banaadir oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda dhexe oo ku aadan baaritaanadaasi.

Dilalkii ugu badnaa bilihii la soo dhaafay ayaa shalay ka dhacayg udaha Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho, iyadoona qaarkood loo geystay askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya