Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Xilkii Wasiirnimo loogu qaaday ayaa sheegay in sixun loo fasiray hadal uu horay u sheegay oo ahaa in Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya aysan aqoonsaneen dhamaan Jaamacada ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ka midtahay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed.
Wasiir C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in hadalkaas si aan sax aheen loo qaatay, islamarkaana ay keentay in dadka Soomaaliyeed ay isla dhax maraan hadal heyn ku aadan hadalkaasi.
Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa hadalkaas sheegay ka hor inta aan xilka laga qaadin xili xalay uu ku dhawaaqayay Natiijada Imtixaankii dowlada ay qaaday.