Hawlgal dhalinyaro lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hawlgal bilowday Salaadii Subax kadib waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah waxa ay ciidanka uga sameeyeen xafadaha Suuqa Xoolaha iyo Cali Turcaaye, sida ay warbaahinta  sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada hawlgalka sameeyay ayaa waxa ay isugu jireen Millatari, Nabad Sugid iyo Boolis, waxaana ciidanka ay galeen inta uu hawlgalka socday guryaha qaar, oo ay ka soo sareen dhalinyaro.

Dhalinyarada hawlgalkan lagu soo qabtay oo tiradooda aanan la sheegin ayaa waxaa la isugu keenay barxad weyn oo ku taalla xaafada Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ciidanka dhalinyarada ay ku kala saareen, iyada oo ciidamada la soo sheegayo inay kaxeysteen dhalinyaro ka mid ah kuwa hawlgalka lagu soo qabtay.