DHAGEYSO:-Madaxweyne Gaas oo Kulan Xasaasi ah Laleh Golihiisa Wasiirada iyo Xoraynta Sool oo Miiska Saaran

0

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu isugu yeeray golihiisa xukuumadda.

Kulaan xasaasiga ah ayaa waxaa lafilayaa in diiradda lagu saaro xaaladda guud ee Puntland, ajandayaasha horyaala golaha xukuumadda, xaaladda dagaal iyo xoraynta gobolka Sool iyo qodobo kale.

Madaxweyne Gaas oo shalay kulan la qaatay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Puntland ay xorayn doonto gobolka Sool.

Madaxweyne Gaas oo hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Puntland ay danjire Keating ay u cadeeyeen mowqifka Puntland ee dagaalada gobolka Sool isla markaana aysan nabad qaadan doonin inta Soomaaliland ay xoogga ku haysato dhulkeeda

XOG:- Hogaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas oo codsi u diray Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya.