Taliyada ciidanka Madaxtooyada Crashiid Craxman Ismaaciil (Kabtan) iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka PSF ee Puntland ayaa xalay 7:00 fiidnimo gacanta ku dhigay gaari dawlada Puntland laga dhacay maalinkii shalay ahaa.
Gaarigan oo lagu hayey deegaanka balibusle ayaa dadaalo iyo iskudayo badan oo ay ka qayb ahaayeen odayaasha iyo waxgarad badan oo ku sugnaa halkaasi lagu guul daraystay. Waxayna arintu aakhirkii ka fursan weysay in si xeeladaysan ay Taliyaha iyo saraakiisha ciidanka PSF kaga soo furtaan gaariga shakhsiyaadkii haystay.
Gaariga ayaa abaarihii 10:00 fiidnimo ee caawa waxaa la keenay magaalada Gaalkacyo, taasoo la filayo in maalinka berito ah ay yimaadaan caasumada Puntland ee Garoowe.
Arintan oo ah mid ku cusub dhegaha shacabka ayaa waxay fariin u tahay qof kasta oo isku daya dhac noocaan oo kale ah inaysan jiri doonin meel uu ku badbaadayo.