Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Africa

0

Dalka koofur Africa waxaa lagu dilay ganacsato Soomaaliyed kuwo kalena waa lagu dhaawacay kadib markii Burcad hubeeysan oo dalkaas u dhalatay ay weerareen xurumahoodii Ganacsiga.

Ganacsatadda Soomaaliyeed ee koofur Africa ayaa sheegay in Labo wiil ay dhinteen Sadax kalena ay dhaawacmeen, kadib markii laguy weerarayxarumo ganacsi oo ay ku lahayeen Galbeedka magaaldda cape town.

Magaca wiilasha dhintay waxaa lagu sheegay Ismaaciil Cabdi Macoow iyo Cali Maxamuud Caddow.

Lama sheegin wiisha kale ee dhaawacmay magacooda.

Ganacsatadda Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Africa ayaa si joogto ah ula kulma Weeradda Burcadda maxaliga ah.