TOP NEWS:- Dowladda oo qorsheyneysa inay sameyso isbedelo dhanka Taliyeyaasha amniga ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada isbedelo dhanka ammaanka ah iyada oo qorshaha ugu horeeya uu yahay in xilka laga qaado masuuliyiin ka tirsan dowladda oo dhanka amniga ka shaqeeya, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Isbedelada ayaa la filayaa inay saameyso Taliyeyaal ciidan inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn haseyeeshee maalmahan dambe waxaa aad u kordhay hadal heynta ku aadan isbedelada la filayo in dowladda ay sameyso.

Madaxweyne (Farmaajo) oo malmihii dambe u guuray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa la sheegay inuu wado hawlaha dib u habeynta iyo isbedelada dhanka amniga, kadib qaraxyadii labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo weerarkii Isniintii ka dhacay Baar-sanguuni.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu si toos u soo farageliyay arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho, sidoo kalena la wareegay masuuliyadda amniga magaalada.

 

Kulamo isdaba joog ahaa oo Madaxweynaha uu la lahaa Hay’adaha ammaanka ayaa looga hadlay isbedel iyo dib u habeyn lagu sameyn doono istiraatiijiyadda sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyada oo Farmaajo uu saraakiisha amniga ku canaantay inay keenaan isbedel lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho.