DHAGEYSO:-Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in jaamacadaha dalka ka jira aysan aqoonsaneyn

0

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada in aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka oo ay ku jirto jaamacadda umadda ee dowladdu gacanta ku heyso.

Wasiirka ayaa ku dooday in in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse aanu jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacadnimo ay u aqoonsan yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay dalka ka jiraan jaamacado fara badan oo laga doonayo inay buuxiyeen shuruudo fara badan.

“Anaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Jaamacad ahaan u aqoonsanahay ma jirto oo aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsahay oo tayada waxa ay bixinayso, sababtoo ah koow waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.