Ciidamada dowladda xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab waxa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa lagu arkay degaano dhawr ah oo uu ka mid yahay Tuulada Muuse Xaaji.
Hawlgalka ciidankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Isniintii degaanka Baar Sanguuni, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal culus.
Taliyaha ciidanka Danab ee degaanada Jubbaland Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay ciidamada inay Shabaab ka nadiifiyeen Buundada Araare iyo Tuulada Muuse Xaaji, wuxuuna intaasi raaciyay inay sii wadayaan hawlgaladan.
“Halkan waxaa la yiraahdaa Tuulada Muuse Xaaji, nimankii cadowga ahaa jab iyo halaag baa ka soo gaaray Baar-sanguuni, hawlgal aan ku ciribtireyno nabad-diidka ayaan sameynay, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.” Ayuu yiri Taliye Xasan.
Degaanka Baar-sanguuni waxaa todobaadkan ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo dagaalyahanada Ururka Al Shabaab, waxaana dagaalkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac soo kala gaaray.