Ciidamada Maamulka Koonfur Galbed ayaa Howlgla Ballaaran oo ay ka sameyeen Degaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool, waxa la sheegay in ay ku dileen Saraakiil sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab sida Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ay Xaqiijiyeen.
Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa waxa uu sheegay Ciidanka gaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda hawlgal ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay inay ku dileen saraakiil ka tirsan Kooxda Al Shabaab.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ciidamada hawlgalkan fuliyay kaga Mahadceliyay hawsha ay qabteen, wuxuuna ku Amray inay dardar geliyaan Dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al Shabaab oo ku sugan Degaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool.
Dhanka kale Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka amniga Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed,ayaa tilmaamay saraakiisha Shabaabka in lagu dilay hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degaanada Koonfur Galbeed, balse waxa uu ka gaabsaday in soo bandhigo Magacyada Saraakisha Al-shabaabka laga dilay.