Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Oo Dib Loo Howlgeliyey

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta ku dhawaaqay dib u howl-gelinta Hay’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha , hey’adda ayaa sidoo kale loo magacaabay xubno ka shaqeyn-doona.

Xubnahan Hay’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha oo ka 5 xubnood waxaa ay kala yihiin:

1: Guddoomiye Aadan Xasan Barre

2: Cabdillaahi Salad Xasan Xubin

3: Ibraahim Naxamed Xasan Xubin

4: Fartuun Siidow Macalin Cabdi Xubin

5: Cabdi Saqaawe Cismaan Xubin

Hay’addan ayaa hoostageysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha Dalka.