Magaalada Gaalkacyo waxaa Habeenadii ugu Dambeeyay ku soo Badanayay tuugo hubeeysan oo dhac u geesanaya Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo ka dhacaya mobilada iyo agabyada kale ay wataan.
Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay qayla dhaan ka muujiyeen Tuuga ku soo badanayso magaalada Gaalkacyo kuwaas oo ka furanaya Mobilada iyo agabyada kale waxana mararka qaarka laga yaabo in ay ugeestaan dhibaatooyin kale.
Taliyaha Qaybta Booliska Gbalka Mudug Axmed Cismaan Cali oo ay la xariirtaya Warbaahinta si ay wax uga wadydiiso Tuugada ku baadanaya Magaalada ay ka Cabanayaan shacabka ayaa waxa uu eedayn u jeediya shacabka Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay inuusan jirin Hal Waalid ah oo ilmihiisa u soo gudbinaya Laamaha Amaanka Gaalkacyo oo u sheegaya inuu danbiile yahay.