Ciidamo Cusub oo Saaka Lagu Arkayo Isgoysyadda Magaaladda Muqdisho

0

Dowladda Soomaaliya ayaa isbadal ku sameysay Ciidamadii loogu Talagalay Sugidda amniga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadii Xasilinta Caasimadda oo bilooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa isgoysyadda Muqdisho, islamarkaana sugayay amniga Magaaladda ayaa dib loogu celiyay xiryahooda waxaana isgoysyadda Magaaladda la keenay Ciidamo Malatari ah oo u badan dhalinyaro dhawaan Tababaro soo dhameystay.

Isgoyska kala ah Warshadaha, Howlwadag, Sheekh Cali Suufi, Sanca iyo Afarta Jardiino,ayaa saakay lagu arkayay Ciidamo cusub oo ka Tirsan Malatariga Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo lagu badalay Ciidamadda Xasilinta caasimadda.

Talaabadaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ay Dowladda Soomaaliya isbadal ugu sameynayso amniga Magaalada Muqdisho,islamarkaana shacabka lagaga dulqaadayo dhibaatooyinkii ay la kulmayeen mudooyinkii dambe.