Gudoomiyaha Waxbarashadda gobolka Mudug oo sheegay in Waxbarashada gobolka Hoos u dhigeen Dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo.

0

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug Mudane Axmed Huruuse Xaashi ayaa sheegay inay sanadka Waxbarashada gobolka Mudug ay ku Hooseeyeen ardayda taasoo sabab u ahayd Dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay gobolka Mudug.

Axmed Huruuse Xaashi ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in sanadkan soo socda sanad dugsiyeedkiisa la qabanayo Tartamo lagu dhiiri galinayo Ardayda iyo Dugsiyada si Sanadka danbe imtixaankiisa ay u helaan 10 Arday ee ugu saraysa Dugsiyada Puntland.

Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ayaa wuxuu ka hadlay ardayda bedelka lagu samaynayo ee Fasalada 8 Aad Dugsiga Dhexe iyo 1Aad ee Dugsiga Sare ee gobolka Mudug kuwasoo lagu soo kordhiyey lacag Gaaraysa $ 5 Dollar iyo Sidoo kale 10 Dollar.

Ugu danbayn gudoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ayaa waalidiinta ugu baaqay inay laba jibaaraan dadaalka Caruurtooda oo kala shaqeeyaan wasaarada sidii kaalimaha ugu sareeya u gali lahayd Ardayda.