Nabadoon Maxamed Yuusuf Isaaq oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa eedeymo ka dhan ah shacabka u jeediyay Ciidamada maamulka Jubbaland.
Nabadoonka ayaa sheegay in inta badan jirdil iyo xarag Ciidamada maamulkaasi ay kula kacaan dadka Rayidka ah ee ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.