DHAGEYSO:- Duqa Gaalkcyo ” Gaalkacyo waa in laga dhiga Casimada Somaaliya ”

0

Duqa Degmada Gaalkacyo ahna gudoomiyaha gobolaha deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa magaalada Gaalkacyo xili uu warbaahinta kula hadlayey oo ka qayb galay kulan lagu soo dhaweynayey Wafdi kasocda dawlada Soomaaliya.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa sheegay inay dawlada Soomaaliya ka codsanayan inay kala shaqayso sidii loosii xoojin lahaa Nabad Galyada Puntland iyo Galmudug wuxuuna sheegay in xiligan la joogo waqtigii laga gudbay Colaadii mudda soo taagnayd.

Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay dawlada Soomaaliya uga fadhiyaan inay Caasumada Soomaaliya ka dhigto magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maadama ay tahay Bartamaha dalka Soomaaliya.