Akhriso:-Duufaano iyo Dabeylo Qasaare Geeystay oo Ku Dhuftay Xeebaha Gobolka Mudug.

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel dhanaane oo dhaca Bariga Durugsan Gobolka Mudug Ee Galmudug ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay duufaano dabeylo wata oo dhaliyay qasaare hantiyeed ku dhufteen deegaano badan oo ku teedsan xeebaha gobolka mudug.

Sida uu sheegay Cali cabdi oo ah gudoomiyaha deegaanka ceel dhanaane oo si kooban uga hadlay saameynta duufaanada dabeylaha wata wuxuu uu tilmaamay in deegaanada kala ah ceel dhanaane, galhagoog iyo kuwo kale ay ku dhufteen.

Guryo iyo dhismayaal badan ayuu sheegay iney duufanada dabeylaha wataa fiiqeen qaarkoodna burbur xoogan ugeysteen.

Sidaasi oo kale maamulka deegaanka ceel dhanaane ayaa xusay in boqolaal qoys ay hoy la’aan soo wajahday una dheertahay cuduro ka dhashay duufaanta iyo dabeylaha ku dhuftay deegaanadaas.

Maamulka Galmudug,hay’adaha iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed ayuu gudoomiye cali cabdi ugu baaqay in gurmad ay la gaaraan.