Dowladda Mareykanka ayaa $3Milyan oo doollar dul dhigtay Madaxa Axmed Iman Cali, oo ka tirsan Al-Shabaab gaar ahaan qeybta dalka Kenya.
Axmed waxa uu Mareykanka ku sheegay in uu yahay hoggaamiyaha garabka Al-Hijra ee Al-Shabaab kana dagaallama dalka Kenya iyo xuduuda Somaliya.
Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa horay u beeniyay in Axmed uu ka goostay Al-Hijra una baxsaday dhinaca Soomaaliya, balse waxa ay xaqiijiyeen wali inuu ka tirsan yahay.
Warbaahinta Dalka Kenya ayaa baahiyay warka ah in uu Axmed ka goostay Al-Shabaab, waxaana sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in uu wali yahay hoggaamiyaha Al-Hijra.
Ciidamada u dagaallama Al Hijra inta ugu badan waa Kenyaan sida uu sheegay Mareykanka, waxaana ku jira Ajaanib kale oo dalalka Afrika ka tirsan, kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka.
Mareykanka ayaa garabkan Al- Hijra ku daray liiska Ururrada argagixisada ee Caalamiga ah, waxaana ay hoggaankooda sheegeen in qofkii soo sheega la siinayo $3Milyan oo doollarka Mareykanka ah.