Akhriso:-Doon sitay Tahriibiyaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku degtay Yemen

0

Saraakiisha Amaaanka iyo hogaamiyeyaasha Qabaa’ilka ee Wadanka Yamen ayaa sheegay in doon siday 160 muhaajiriin African ah ay ku degtay badda gobolka Shabwa ee koofurta Yamen.

Wali lama xaqiijin tiradda geerida iyo haddi ay jiraanba muhaajiriin lasoo badbaadiyay, sida ay ku warameeyso Wakaalada Wararka ee AP.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in Doontu ay Khamiistii ka baxday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyada oo sida 100 ruux oo Soomaali ah iyo 60 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ay ka mid yihiin Caruur iyo Haween.

Saraakiishan la hadlay AP oo diiday in Magacooda la adeegsado ayaa sheegay in  uusan jirin gurmad ka howl-galay sidii dadka loo soo badbaadin lahaa.

In kastoo Yamen ay colaado ka holcayaan, hadana muhaajiriinta African ka ah ayaa wadankaas ka dhigtay marin ay qurbaha uga sii gudbaan