Mareykanka oo liiska Argaggixisada ku daray koox uu sheegay inay ka hawlgasho Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo la sheegay in ay ka howlgalaan ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in wax ka bedel ay ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Ururka Al Shabaab oo Soomaaliya ku metesha Al Qaacidda, iyada oo balaarisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo 2008-kii ku aas aasanatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya inay tahay laanta Al Shabaab ee Kenya.

Al Hijra waxa ay waxa ay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Talaabadan cusub ee Mareykanka uu qatay ayaa ujeeada ka dambeysa waxa ay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.