DHAGEYSO:-Mareykanka oo sharciga u cusbooneysiiyay Soomaali badan

0

Waaxda arrimaha gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano (Home Land Security) ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan.

Dadka sharcigan loo yaqaano TBS-ka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.