DHAGEYSO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in ay dhisi doonaan Maxkamad Ciidan

0

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed oo ka hadlayay Kulan ay  ku yesheen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in si loo badbaadiyo Hantida Dadweynaha ay dhisi donaan Maxkamad Ciidan,si looga hortago dhibaatada Askarta ay u geysayaan Shacabka ku Nool Degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed,ayaa hoosta ka xariiqay in Maamul Goboledyada Dalka ka jira ay lee yihiin Maxkamad Ciidan,isla markaana waxa uu tilmaamay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku Howlan yahay in la dhiso Maxkamad Ciidan,maadama Shacabka Reer Koonfur Galbeed ay dhibaato badan ka tabayaan Ciidamada.