DHAGEYSO:-Galmudug oo xukun ku riday dhalinyaro lagu eedeyay amni daro

0

Maxkamadda gobalka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa soo gebageysay dacwad lagu soo oogay 4 eedeysane oo haystay ku lug lahaanshaha falal amni daro oo ka dhacay deegaanada Galmudug iyo khal-khal gelin joogta ah oo ay ku hayeen amniga gobalka sida maxkamaddu ay sheegtay.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda gobalka Mudug ee maamulka Galmudug G/dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa sheegay in ragaaan la soo qabtay iyaga oo abaabulaya dhaq-dhaqaaq hubaysan welina aan bilaabin,Falal tuugaysi ah iyo eedeymo kale.