DHAGEYSO:- Cirro”Muuse Biixi waa naga qariyay in Shirkii Brussels ay Feysal Iyo Cali Khaliif nooga Qeyb Galeen”.

0

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Soomaaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Soomaaliland, Shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale.

Guddoomiye Cirro aaa waxa uu sheegay in Shirkii ka dhacay Magaalada Brussels ay ka qeyb galeyn Mas’uuliyiin ka socotay Soomaaliland,islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay Xisbiga Kulmiye ee haatan haaya talada Soomaaliland.

Cirro ayaa waxa uu dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,isagoona sheegay in Soomaaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan Maamul, balse sheegay in mas’uuliyadiidaas ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye .

”Waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Soomaaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya in Soomaaliland maqaamkeedu hoos u sii socda” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Cirro.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan hawada Soomaaliland , isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowlada ay ku sugan yihii Magaalada Hargeysa.

HOOS KA DHAGEYSO