Akhriso:-Jabuuti Oo Warqad Gaadhsiisay Qaramada Midoobay Iyo Walaac Laga Qabo Isku Dhacyo Dhex-mara Jabuuti Iyo Ereteriya

0

Jabuuti Oo Warqad Gaadhsiisay Qaramada Midoobay Iyo Walaac Laga Qabo Isku Dhacyo Dhex-mara Jabuuti Iyo Ereteriya

Dawladda Jabuuti ayaa wax yar uun kadib markii nabadi ka islaaxday Itoobiya iyo Ereteriya waxay warqad u gudbisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres taas oo xambaarsan walaac ku saabsan isku dhacyo hor leh oo dhex mara Jabuuti iyo Ereteriya.

Maxamed Siyaad Ducaale danjiraha Jabuuti u jooga Qaramada Midoobay ayaa waraq uu u qoray Guterres ku sheegay in ay doonayaan hannaan nabadeed oo lagu dhammeeyo xurgufta wakhtiga dheer u dhexaysay Jabuuti iyo Ereteriya oo ku muransan dhul xuduudka ku yaalla.

Waxa uu sheegay in Jabuuti doonayso in kiiska labada dal lagu xalliyo maxkamaddaha sharci ama hannaan dhexdhexaadineed oo laga soo saaro xal nabadeed oo la wada aqbali karo.

“Ciidamada Ereteriya waxay sii wadaan haysashada dhulka Jabuuti. Maxaabiista dagaalku waa arrin aan wali laga xisaabtamin, waxa wali socota haddidaada ciidamada ee ka imanaysa dhanka Ereteriya, waxaana saraysa halista loogu jiro isku dhacyo mar kale qarxa,” Sidaas ayuu ku yidhi danjiruhu warqadda uu gaadhsiiyay Xoghaye Guterres.

Sidaasi awgeed wuxuu sheegay in loo baahan yahay farsamo cusub oo degdeg ah oo lagu xalliyo xiisadda u dhexaysa labada dal.

2010 ayay isku dayday in ay labada dal kala dhex gasho Qadar laakiin, isku daygaasi wuu fashilmay waxaanay ciidamadeeda ka qaadatay xuduudka markii Jabuuti la safatay xulufada Sucuudiga waxaana kor u kacday halista ah in ay isku dhacaan Ereteriya iyo Jabuuti.