Akhriso:-Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Af urur ee duleedka Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Af Urur oo u dhow Buuraha Galgala.

Sida ay baahisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab Ciidamada Puntland ee saldhigga ku lahaa deegaanka Af Urur ayaa shalay gelinkii dambe isaga baxay deegaanka.

Ciidamada Puntland ayaa la ogeyn sababaha ay isaga baxeen deegaanka Af Urur, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ka bixitaankooda uu ka dambeeyay markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay soo buuxiyeen agagaarka deegaanka.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Shabaab oo aad u hubeysan ay la wareegeen saldhigyadii ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaankaas.

Deegaanka Af Urur ayaa sanad ka hor waxaa ka dhacay dagaal culus, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidanka Puntland ka soo gaaray.

Dhulka Buuraleyda Gobolka Bari ayaa ah deegaano ay ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka