Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka shabeelaha dhexe oo maanta ku wajahan degaanka Ceel Cade.

0

Waxaa maanta lagu wadaa in saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamul gobalka shabeelaha dhexe ay tagaan duleedka degmada Balcad ee gobalkaasi.

Sababta ay masuuliyiintan iyo saraakiisha ay u tagayaan degamada ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisad ka dhalatay ciidamo la sheegay in ka tirsan yihiin militiriga soomaaliya ee dhawaan la wareegeen bar kontorool oo ay lacag ku aruurinayeen ciidamo ka amar qaata maamulka hirshabelle degaanka Ceel Cade,iyadoona shalay iyo ilaa maanta halkaasi ay xiisad ka taagan tahay oo u dhexeeysa ciidamo ka wada tirsan militiriga dalka.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta Sheegay in saacadaha soo aadan masuliiyiintan ka tirsan heer dowlad gobaleed iyo kan gobalka shabeelaha dhexe ay ku wajahan yihiin degaanka Ceel Cade ee gobalka Shabeelaha dhexe,waxaana ka mid ah masuuliyiintaasi gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe,inkastoo wararkaasi ay wax badan iska badali karaan.

Degaanka Ceel Cade ayaa Waxaa saakay laga dareemayaa xiisada u dhexeeysa ciidamo ka tirsan militiriga soomaaliya.