DHAGEYSO:- Waxgarad Hogaanka Jubbaland ku eedeeyay dilalka qorsheysan ee ka dhaca deegaanada Jubbaland.

0

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland ayaa eedeymo kulul u jeediyay hoggaanka sare ee maamulkaasi,kaasi oo ku aadan falal dilala qorsheysan oo ku sii badanaya deegaanada Jubbaland.

Odayaashan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxda maamulku ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxaana ay tilmaameen in ay sii kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gobolladaasi, kuwaas oo qaar kood ay ku eedeeyeen saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Isku soo wada duuboo Waxgaradka ayaa ku baaqay in si dhab ah wax looga qabto dilalka qorsheysan inta aysan faraha ka bixin loon eersan hadhow.

HOOS KA DHAGEYSO