DHAGEYSO:-Oromada oo Soomaali Badan Ku Laysay Itoobiya iyo Digniin Loo Diray Oromada Degan Puntland

0

Siyaasiyiin reer Puntland ah ayaa walaac ka muujiyey in xansuuqa Oromadu ay ku hayso shacabka Soomaalida Itoobiya inuu saamayn ku yeesho qoomiyadda Oramamada ee kunool dhulka Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in dadka Soomaalidu ay yihiin dad dhiig wadaag ah ayna ka cabsi qabaan inay waxyeeleeyaan qoomiyadda Oromada ee kunool Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Puntland haddii aan laga maarayn.

Waxa ay ugu baaqeen qoomiyadda Oromada ee degan Soomaaliya inay dalkooda ku laabtaan haddii aan wax laga qaban dhibaatada ka aloosan xuduudka Soomaalida Iyo Oromada, islamarkaana kuwa soo socdaa ay dhulkooda joogaan.