DHAGEYSO:- Nin Xaaskiisa ku dilay Magalada Balanbale

0

Nin kamid ah dadkii kasoo xarooday Miyiga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa Xaaskiisa ku dilay degmadaasi kadib xanuun qabtay ninka sida ay sheegeen maamulka degmada.

Taliyaha Saldhiga dhexe ee degmada Balanbale oo faah faahin ka bixinayey dhacdadan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilay gabadha waxaana ay ciidamadu sheegeen inay ahayd Xaaskiisa gabadha lagu dilay deegaankaasi.