DHAGEYSO:-Maxay Isku Afgarteen Madaxweyne Farmaajo, Pro Gallayr iyo Faysal C Waraabe

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Pro Cali Khaliif Gallaydh iyo Eng Faysal Cali Waraabe oo ka socdey maamulka Soomaaliland oo xiisad colaadeed kala dhexayso Puntland.

Kulamadaan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq, helitaanka xuquuqda Soomaaliland ay kuleedahay deeqaha adduunku siiyo Soomaaliland iyo xiriirka labada dhinac.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo kulanka kadib lahadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegaya in sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ay siiyeen talooyin muhiim ah ayna siweyn isu afgarteen.