DHAGEYSO:-Gabar-yar oo dhiig bax ugu Geeriyootay dhuusamareeb, Kadib markii lagu sameeyay Gudniinka Fircooniga

0

Alle ha u naxariisteen waxaa duleedka magaalada dhuusamreeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ku geeriyootay Gabar yar oo jirta da’da 10 sano kadib markii ay soo wajahday xaalad dhiig bax, dadka deegaanka iyo dhakhaatiirta magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Gabadha lagu sameeyay Gudniinka Fircooniga taasina ay sababtay in xaalad dhiig bax ay gasho.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Olal oo ka tirsan magaalada Dhuusamareeb waxaana la sheegay iney dhiig baxaysay ku dhawaad 24 saac markii la guday kadib mar dambane loo soo qaaday Isbitaal ku yaala dhuusamareeb ayna halkaasi ku Geeriyootay daqiiqo kadib markii la geeyay.