AKHRISO:- Askari Xalay lagu dhawaacay Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa xalay agagaarka baar ha i dhaafin oo kala qeybiya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dhaawaceen Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.

Askariga la dhaawacay ayaa ku sugnaa fariisin Ciidanka Dowlada ay ku leeyihii baar ha i dhaafin,sida ay Dalsan u sheegeen dad ka agdhawaa goobta,waxaana la sheegay in dhaawac culus oo soo gaaray Askariga.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaarey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka qaadey dhaawaca askariga.