War-Murtiyeen maanta laga soo saari doono Shirka ka socda magaalada Brussels

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo gaba gabeeyo shirka ka socda magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka.

Shirkaas caalamiga ah ayaa daba socday shirar ka horeyay oo ka dhacay magaalooyinka London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Shirkaan ay ku soo bandhigtay wax yaabihii ugu qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Shirkaan shalay ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa la soo gaba gabeyn doonaa maanta waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubnihii kale ee ku wehlinaayay shirka ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka kuwaas oo ay kala hadleyn maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-galeyn dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.