ONLF oo war ka soo saartay dagaalka Soomaalida Itoobiya iyo Oromada

0

Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay dagaalka labadii maalmood ee la soo dhaafay dhexmaray dadka Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, kaasi oo ka dhashay khasaare labada dhinac ah.

Wuxuu sheegay Ururka in tirada dhimashada iyo khasaaraha dhaawaca ah ee dagaalkaasi uu sababay ay aad u xoogan tahay, loona baahan yahay inay soo farageliso dowladda dhexe.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani ayaa wuxuu sheegay in Ururka uu dagaalkan bayaan ka soo saaray, wuxuuna tilmaamay dagaaladii ugu dambeeyay inay ku dhinteen 50 qof oo Haween iyo caruur ay ku jiraan, sidoo kalena ay jiraan guryo la gubay.

Wuxuu sheegay hadii ay sii socdaan dagaaladan u dhaxeeya qabaa’ilada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya inay ka dhalan karto cawaaqib xumo.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah, marka ay dadkani is garabsan lahaayeen oo ay is anfici lahaayeen, is caawin lahaayeen, heshiin lahaayeen, in iyaga dhexdooda ay diriraan, waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ay ku dhimanayaan rayidka.” Ayuu yiri Afhayeenka ONLF.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani ayaa sheegay ONLF inay aaminsan tahay labada bulsho inay yihiin dad walaalo ah, sidaasi darteedna ay goor hore ku wargeliyaan Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed Ali in xukuumaddiisa ay wax ka qabato dagaaladan soo laa laabtay.