DHAGEYSO:-Xukuumadda soomaaliya oo shaacisay xiliga la soo dabacayo lacagta cusub ee shilinka soomaaliga

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qorshihii ugu dambeeyey ee ku aadan soo daabicista lacagta Shillinka Soomaaliga oo dowladda Federaalka ay horay u shaacisay.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in shuruudii ay la galeyn Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta ay ka soo gudbeen taas oo u sahli karta in ay lacag Cusub soo daabacaan.

Waxa uu sheegay Wasiir beyle in weli loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa maadaama dowladda Soomaaliya lacag farabadan oo deyn ah lagu leeyahay,waxa uuna sheegay in Sanadkaan gudihiisa ay lacagta Cusub ee Shillinka Soomaaliga ah lasoo daabici doono.