DHAGEYSO:-Wiil dhalinyaro ah oo Aabihiisa ku gowracay gobolka Jubada Hoose

0

Guddoomiyaha deegaanka Buula gaduud Mahad Mataan Buule ayaa faafaahin ka bixyay Wiil dhalinyaro ah oo Aabihiis shalay ku gowracay deegaanka Buula gaduud ee gobolka Jubada Hoose.

Aabaha la gowracay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/laahi Shariif Kalar, da’diisuna waxaa lagu qiyaasay 80 sano jir, iyadoona la tilmaamay in si aad ah looga yaqaanay degaanka Buulla Gaduud oo qiyaastii 30 KM u jira Magaalada kismaayo ee gobalka Jubada hoose.

Marxuum la dilay ee C/laahi Shariif Kalar ayaa waxaa la sheegay in uu Wiilkiisa ku dilay baangad, iyadoona lagu sheegay inuu qoorta ugu dhuftay Wiilka Aabihiisa, sidaasina uu ku dhintay.