DHAGEYSO:-Qodobada looga hadlay Kulanka Gaarka ah ee Kheyre iyo Culimada Soomaaliyeed

0

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Kheyre, waxa ayna kawada hadleyn arimo la xiriira Xajka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loogu fududeen lahaa gudashada Acmaasha Xajka.

Maalmihii dambe ayaa waxaa jiray culeys weyn oo ka taagnay sidii bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwoo raba in ay gutaan Acmaasha Xajka ka haystay sidii ay ugu safri la`haayeen.

Culimada la kulantay Ra`iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay cabasho ka yihiin culeys ka haysta arimaha Xajka, waxayna R/W Kheyre ay ka dalbadeen in arimahaas la fudadeeyo Dowladana si deg deg ah wax ugu qabato.

Ra`iisul Wasaare Kheyre ayaa Culimada u sheegay in dowlada ay heyso shaqooyin badan islamarkaana ay ku dadaali doono sidii arimahaan loo fududeen doono.