DHAGEYSO:-Madaxweyne Gaas”Muuse Biixi Waxaan Tusaynaa Inaan Xabbad Uga Saarno Dhulkeena”

0

Madaxaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeedinayay shirka Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeyay in uu qaadi doono masuuliyada ka dhalata dagaal dhex mara Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne C/wali Gaas waxa uu sheegay in Beesha caalamka aysan Muuse biixi ka kaxayn Karin meesha uu joogo balse Shacabka Goboladaas iyo Puntland ay ka kicin doonaan.

“Muuse dagaal buu soo qaaday waxuuna u haystaa in uu Xabbad wax ku haysan karo,balse xabbadu Nin walbaa way kartaa taas ayuuna wax ku fahamayaan, iskama tagayo Muuse ee Dadka dhulka leh ayaa laga rabaa in ay iska kaxeeyaan, beel caalan makaxayn karto anaguse waa ogaysiinay hadana waan ku celinaynaa”,

Maamuladda Somali-land iyo Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay Hawadda isku marinayay Fariimo Hanjabaadyo ah oo ku aadan dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.