TOPNEWS:-Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo lagu wado in maanta uu furmo

0

Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa maanta oo Isniin ah ka furmaya shirka Somali Partnership Forum oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo soconaya 16-ka ilaa 17-ka bishan July.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

“Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay.