SAWIRRO:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Booliska Turkey

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa  kulan la qaatay Wafdi sare oo ka socday Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Turkey, kuwaasi oo Muqdisho soo gaaray.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Turkey ee Muqdisho, ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow, Taliye ku xiggeenka koowaad ee Hey’adda NISA, Safiirka Dalwadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjiye Olgan Begar iyo Masuuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa wafdigii ka socday Dawladda aan walaalaha nahay ee Turkey waxay kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen, Xoojinta Xiriirka labada dhinac iyo Kordhinta tababarada Turkiga ay siiyaan Ciidanka Booliska.