SAWIRRO:-Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo furmay

0

Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa ka furmay shirka Somali Partnership Forum oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo soconaya 16-ka ilaa 17-ka bishan.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.