SAWIRRO:-Safaaraddii Eritrea ee Addis Ababa oo dib loo furay

0

Xaflad Kooban oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxay dib ugu fureen Safaaradda Eritrea ee Addis Ababa, iyaga oo Wadajir u lulay calanka Eritrea.

Waa arin taariikhi ah tilbaada ay qaadeen labada Hoggaamiye.

Safaaradaha waxa ay astaan u yihiin xiriirka labo dal, marka laga hadlayo labada dal ee dirirta culus ay dhexmartay ee Itoobiya iyo Eritrea, safaaradahooda waxa ay ahaayeen kuwa xiran muddo 20 sano ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqday halkii ay ku ooli jirtay Safaaradda Eritrea sawiro goobta laga soo qaday ayaa ahaa kuwo ayna indhuhu qaban karin