DHAGEYSO:-Xukuumadda Soomaaliya oo loogu baaqay inay wada hadal la gasho Shabaab

0

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay xilligii uu Wasiirka ahaa in isgoysyada Magaalada Muqdisho ay ku xireen 48 Kaamirooyinka muuqaalada qarsoon duuba ee loo yaqaano CCTV, kuwaasi oo uu tilmaamay inta badan in hada aysan shaqeyneyn.

Dowladdan hada jirta ayuu sheegay inay ka gaabisay in arrintaasi in ay socodsiiso oo ay dabagal ku heyso si ay u sii shaqeeyaan Kaamirooyinka.

Wasiir C/risaaq ayaa qiray in dowladda aysan gaarsisaneyn heerkii la rabay, wuxuuna tilmaamay tayada ciidadama in aysan dhameystirneyn iyo dhinaca sirdoonka oo aan gaarsisaneyn meeshii la rabay.