DHAGEYSO:- Nabadoon Yaasin Cabdisamad ” Odayaal Hargeysa kayimid ayaa yiri Xabada hala joojiyo ”

0

Maalmahaan waxaa magaalada Garoowe hawlo nabadeyn ah u joogey Isimo ka yimid maagaalada Hargeysa, joogitaankoodana aysan saxaafaddu u dhuundaloolin. Isimadaan ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa la sheegay in ay marti u ahaayeen qayb kamid ah culumida Garoowe.

Haddaba si aan wax uga ogaano imaatinka isimada Hargeysa iyo sababta imaatinkooda waxa aan ka waraysaney Nabadoon Yaasin Cabdi Samad. Nabadoonka ayaa sheegay in isimada Hargeysa ka yimid ay sheegeen in aysan xabbad joojin karin, ciidanna kala qaadin karin, sidaas darteed maba jirto sabab nabad looga wada hadlaa.