DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo khudbad Xasaasi ah kajeediyaay Shirkii Brussels

0

Madaxweynaah dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa Maanta khudbad uu ka jeediyey shirka Brussels waxa uu kaga hadlay arrimaha Dhaqaalaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Axmed Madoobe,ayaa sheegay in xilligaan dalka uusan laheyn Ciidamo Millateri iyo boolis oo dhisan,taas bedelkeedana loo baahan yahay in la dhiso ciidamo qaran oo dhameystiran si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya,Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha dhaqaalaha siiya lagula xisaabtamo dhisida ciidamada iyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca shirarkii horay uga dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee looga hadlay amniga Dalka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamey in aan weli waxba ka fulin heshiisyadii ka soo baxay shirarkii horay loogu qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Sidoo kale ,isaga oo ka hadlayey dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Madaxda AMISOM aysan diyaar u aheyn in dalka laga saro Al-Shabaab.