SAWIRRO:-Shirweyne Dib u Heshiisiineed Oo ka furmay Ceel Afweyn.

0

Magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir dib u heshiisiineed oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaal dhowr sanadood halkaa ku dhex marayayey laba beelood.

Qabanqaabada shirweynaha ayaa soo socotay labadii bilood ee u dambeeyey.

Waxaa u xilsaaran inay xaajada ka gar naqaan 66 xubnood oo isugu jira xeerbeegti, culumaa’udiin iyo madax dhaqameed.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhinacyada ugu baaqay inay u hogaansamaan go’aannada ay cuqaashu gaaraan.

Shirweynahan waxaa aad isha ugu haya dadka reer Somaliland, ayadoo colaaddan oo soo noqnoqotay dhowrkii sano ee u dambeeyey ay ku dhinteen dad ku dhow ilaa 100 qof.