DHAGEYSO:-Ma Jiraa Xiriir Ka Dhaxeeya Al Shabaab Iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda

0

La taliyaha dhinaca amniga madaxweynaha Jubbaland Koneel Cabdi Nuur Jaamac ayaa sheegay sababta ka danbeysa ciidanka Al shabaab iney u sahlanaato weeraro is daba joog mudo isbuuc ah iney ku qaadaan wasaaradaha arimaha gudaha Amniga iyo Madaxtooyadii laga xukumayay Somaaliya iney tahay xiriir ka dhaxeeya saraakiisha ciidanka dowladda & Al shabaab.

Koneel Cabdi Nuur Jaamac Jookar ayaa sheegay saraakiil sar sare oo katirsan dowladda iney xiriir toos ah la leeyihiin Al shabaab, kuwaa oo qaarkood tababaro ku soo qaatay wadamada Turkiga, Ugandha iyo dalalka Somaaliya ka taageera la dagaalanka Alqaacidda.