TOPNEWS:-Wasiirka Waxbarashada oo ku wajahan Baydhabo

0

Wasiirka Waxbarasha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah maamulka K/Galbeed.

Wasiirka ayaa Magaalada Baydhabo ka furi doono shir looga hadlayo hormarinta waxbarashada iyo dhaqan gelinta manhajka dowladda Soomaaliya ay sameysay.

Manhajka dhawaan lasoo bandhigay ayaa ah mid khuseeya dugsiyada hoose ee dalka, kaasi oo la doonayo in lagu baahiyo dhamaan gobalada dalka soomaaliya, si loo mideeyo tayada waxbarashada dalka.

Wasiirada waxbarashada ee maamul gobaleedyada dalka ka jira ayaa gaaray magaalada Baydhabo maalinimadii shalay ahayd si ay uga qeyb galaan shirka maanta